Madaxii Jabhada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose oo "la dilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jowlgal ku dileen Madaxii Jabhada maleyshiyadda Al-Shabaab ee Gobolka Shabellada Hoose.

Sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada, howlgalka oo ka dhacay Buundada Bariire iyo tuulada Nuungare ayaa si lamid ah waxaa ku naf-waayey 18 xubnood iyo 'horjooge' Al-Shabaab ah.

Taliyaha ururka 143aad, dhamme Axmed Xasan Siyaad, ayaa magaca sarkaalka ay 'dileen' ku qeexay Siidow Nuur Abuu Muxsin.

"Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sheegay in Horjoogaha la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Xilka Jabhada kooxda Al-shabaab ee Gobolka Shabellada Hoose," ayay warisay Idaacadda Codka Ciidamada Soomaaliya.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamadda, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya, mana soo bandhigin caddeymo.

Mr Siyaad oo aan shaacin goorta uu howlgalka dhacay ayaan sidoo kale soo qaadin khsaaraha  dhankooda.

Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe xoojisay weerarada ka dhanka ah ciidamada ayaan wali ka hadlin sheegashada milatariga, wallow aysan ka hadlin dalabyadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM