Madaxii Jabhada Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose oo "la dilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jowlgal ku dileen Madaxii Jabhada maleyshiyadda Al-Shabaab ee Gobolka Shabellada Hoose.

Sidda ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada, howlgalka oo ka dhacay Buundada Bariire iyo tuulada Nuungare ayaa si lamid ah waxaa ku naf-waayey 18 xubnood iyo 'horjooge' Al-Shabaab ah.

Taliyaha ururka 143aad, dhamme Axmed Xasan Siyaad, ayaa magaca sarkaalka ay 'dileen' ku qeexay Siidow Nuur Abuu Muxsin.

"Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sheegay in Horjoogaha la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Xilka Jabhada kooxda Al-shabaab ee Gobolka Shabellada Hoose," ayay warisay Idaacadda Codka Ciidamada Soomaaliya.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamadda, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya, mana soo bandhigin caddeymo.

Mr Siyaad oo aan shaacin goorta uu howlgalka dhacay ayaan sidoo kale soo qaadin khsaaraha  dhankooda.

Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe xoojisay weerarada ka dhanka ah ciidamada ayaan wali ka hadlin sheegashada milatariga, wallow aysan ka hadlin dalabyadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM