Madaxwaynaha dowlada Federaalka oo Kismaayo gaarey

Image

Talaado, Sept 16, 2014 (Garowe Online)- Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saacado kahor gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xildhibaano uu kamid yahay Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa wafdiga Xasan Shiikh kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxana markii danbe loo gudbiyay wafdigan halka shirka dib u heshiisiinta lagu qabanayo oo ah xarunta Caymiska.

Ammaanka guud ee wadada isku xirta Airport-ka iyo madaxtooyada ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka qaarkood lagu arkayaa ciidamada AMISOM oo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Saraakiil ka socda IGAD iyo ganacsato dhanka Nairobi ka timi ayaa iyaguna maanta soo gaaray magaalada Kismaayo oo uu ka furmayo wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo lagu casumay in ka badan 700 oo qof.

Col.Barre Hiiraale oo mucaarad ku ahaa Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuusan ka qayb gali doonin shirka maanta furmaya, wuxuuna u sababeeyay in shirka waqtigii lagu balamay laga soo hormariyay.

Afhayeenka mamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirku aanu ahayn mid siyaasad looga hadlayo balse uu yahay mid dhaqan loogana arrinsan doono horumarinta gobollada Maamulka Jubbaland.

Muddo sodan cisho ah ayaa lagu wadaa in shirkani uu socdo, waxana horay loo shaaciyey inuusan ku koobnaan doonin Kismaayo oo qura balse magaalooyinka kale ee muhiimka ahna lagu qaban doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay

Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-05-2026

  • 08:06AM

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM