Madaxweynaha DF iyo Midowga Afrika oo ka shirey hirgelinta Higsiga 2016

Image

April 6, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbiley Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maman Sidikou.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadley xaaladda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan dardar gelinta barnaamijyda Hiigsiga 2016  iyo dib u heshiisiinta , hawlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo arrimo kale.

Madaxweynha ayaa sheegay in xukuumadda, baarlamanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshaduba ku guda jiraan hawlo kala duwan oo la doonayo in lagu xaqiijiyo Hiigsiga 2016-ka, isagoo intaas raaciyey in rajada la qabo hirgelinta yoolka 2016 ay tahay mid wanaagsan.

Danjire Sidikou ayaa isna soo dhoweeyay horumarka laga sameeyey dhanka siyaasadda  isagoo xusey in Midowga Afrika ay go'an tahay sidii uu Soomaaliya uga taageeri lahaa inay noqoto dal xasilloon oo horumar ku tallaabsada.

Beesha caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Dowladda Federaalka inay hirgeliso Higsiga 2016 xilli cabsi laga qabo in dowladdu waqtiga kororsato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM