Madaxweynaha DF oo maalintii labaad Dhuusomareeb ku sugan

Image

March 25, 2015 (GO)- Maalintii labaad waxaa degmada Dhuusomareeb ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay halkaas gaarey.

Wafdiga Dhuusomareeb ku sugan waxaa kamid ah Wasiiradda Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Khaalid Cumar Cali iyo Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Cusmaan Maxamed Cabdi.

Madaxweynuhu wuxuu habeennimadii xalay kulamo gaar gaar ah la qaatey ergooyinka beelaha gobollada dhexe ee bilihii u dambeeyey Dhuusomareeb shirku uga socdey, arimo badan ayuuna kala hadlay.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulamadii xalay lagu gorfeeyey waxaa kamid ah halka uu ka furmayo wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, arintaasoo Xasan Sheekh iyo odayaasha dhaqanku ku kala aragti duwanaadeen.

Odayaashu waxay soo jeediyeen in shirka wejigiisa labaad Dhuusomareeb lagu qabto, balse Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa qaba fikrad taas ka duwan oo ah in shirku ka dhaco degmada Cadaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM