Madaxweynaha DF oo maalintii labaad Dhuusomareeb ku sugan

Image

March 25, 2015 (GO)- Maalintii labaad waxaa degmada Dhuusomareeb ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo gelinkii dambe ee shalay halkaas gaarey.

Wafdiga Dhuusomareeb ku sugan waxaa kamid ah Wasiiradda Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Khaalid Cumar Cali iyo Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Cusmaan Maxamed Cabdi.

Madaxweynuhu wuxuu habeennimadii xalay kulamo gaar gaar ah la qaatey ergooyinka beelaha gobollada dhexe ee bilihii u dambeeyey Dhuusomareeb shirku uga socdey, arimo badan ayuuna kala hadlay.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulamadii xalay lagu gorfeeyey waxaa kamid ah halka uu ka furmayo wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, arintaasoo Xasan Sheekh iyo odayaasha dhaqanku ku kala aragti duwanaadeen.

Odayaashu waxay soo jeediyeen in shirka wejigiisa labaad Dhuusomareeb lagu qabto, balse Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa qaba fikrad taas ka duwan oo ah in shirku ka dhaco degmada Cadaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM