Madaxweynaha dowlada Federaalka oo shir isugu yeerey madaxda maamulada Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia- Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ayaa la filayaa in Bisha July 5, 2017 magalada Muqdishu kulan kula qaato madaxda maamulada Federaalka kasoo lagaga hadli doono arimaha dhismaha ciidamada amniga.

Kulankaan oo noqonaya midkii labaad ay  isugu yimadaan madaxda maamulada iyo Federaalka tan iyo intii doorashada Madaxweynahu dhacdey ayaa wararka GO heleyso sheegayaan in qabashadiisu ku timid kadib markii cadaadis kaga yimid Dowlada Farmaajo beesha caalamka.

Wararkaan ayaa sheegaya in beesha caalamka welwel ka muujisay kulan asbuucii lasoo dhaafey magaalada Muqdishu kula yeesheen Ra'isal wasaaraha Somalia xiriirka wada shaqeyneyd ee u dhexeeya maamulada Somalia iyo dowlada Fedraalka ah.

Xubnaha beesha caalamka ay horkacayaan Mareykanka iyo Ingriiska ayaa aad u daneynaya in dowada Federaalka iyo Maamulada hirgaliyaan qorshaha lagu dhisayo ciidamada Federaalka.

Qorshahaan oo lagaga hadlay kulankii lagu qabtey magalada London ayaa diirada saarayey in dowlada Somalia sanadka 2020 la wareegto amaanka wadanka iyadoo la filayo in beesha caalamka joojiso tageerada dhaqaale ee ciidamada AMISOM.

Diplomaasi ku sugan magalada Nairobi oo diidey magaciisa ayaa GO u sheegey in dowlada Madaxweyne Farmaajo weli la imaan qorshe shaqo kaasoo laga arki karo siyaasada amni dhaqaale ee lagu hagi lahaa dalka oo dhan isagoo dhinaca kale  xusey in weli ay muuqato marka aad dhageysato khudbadaha madaxda Fedraalka in weli   gudo jiro olalihii doorasho ee lasoo dhaafey.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM