Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan Qadar [Sababta]

Image

MUQDISHO- Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa waxaa booqasho rasmiya uu ku tagayaa dalka Qadar 24 saac ee socda.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo ah middii labaad ee uu ku tago dalkaas tan iyo intii la doortey ayaa sida wararka lagu helayo diirada saaraya sii xoojinta xiriirka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Doha.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya oo laga yaabo inuu dhaco maanta ilaa berri ayaa sida wararka ku heleyno waxaa kaga sii horeeya dalkaas Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin kaasoo xiriir dhow la leh Doha.

Fahad Yaasiin oo habeenkii xalay Taransit ku ahaa dalka Kenya Magalada Nairobi ayaa Doha ka bilaabi doona qaban qaabada loogu jiro soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo.

Wararka aan ka heleyno safarka Madaxweyne Farmajo uu ku tagayo dalkaas ayaa sheegaya in ay jiraan balnqaadyo lacageed ay dowlada Qadar ugu deeqeyso Villa Soomaaliya.

Dad xogogaal  ah ayaa u sheegey GO in Doha  u balanqaadey Muqdisho in ay buuxin doonto kaalintii dowlada Imaaaradka baneysay.

Dhinaca kale Doha ayaa balanqaadey iney bixin doonto lacago loogu talagaley in lagula dagaalamo siyasiyiinta iyo maamulada kasoo horjeeda inuu xumaado xiriirka u dhexeeya dalka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.

Booqashada Farmaajo ee Doha ayaa ku soo beegmeysa xilli uu heerkii ugu hooseeyay marayo xiriirka u dhexeeya dowlada Somaaliya iyo Imaaraadka kaasoo sababey in Abu Dhabi kala noqoto Muqdisho tageero dhaqaale ay siin jirtey.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo oo horey u sheegetey iney dhexdhexaad ka tahay khilaafka ayaa sida la rumeysan yahay siyaasadooda waxay u janjeertaa dalka Qadar.

Maamulada Soomaaliya gaar ahaan Puntland, Jubaland iyo Somaliland ayaa xiriir dhow la leh dowlada Imaaraadka Carabta taasoo sababtey in Madaxtooyada Muqdisho diidmo ka muujiso.

Maamul goboleedyada ayaan ku qanacsaneyn qaabka dowlada Federaalka u maamusho mashaariicda lagu soo helo magaca Soomaaliya kuwasoo aan soo dhaafin magalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM