Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay eedaynta uga timid Maraykanka

Image

CADAADO, Somalia- Qoraal kasoo baxay Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa looga hadlay Eedayn dhawaan kasoo baxday dowladda Maraykanka gaar ahaan safiirka u jooga Somalia Stephen Schwartz.

Guuleed, ayaa qoraalka Safiirka ku tilmaamay mid lala soo dag dagay oo ka fog xaqiiqada jirta, wuxuuna xusay in doorashada Aqalka hoose ee Galmudugu u dhacday qaab cadaalad ah oo waafaqsan nidaamka doorashada dalka.

Madaxweynaha Galmudug oo qoraalkiisa si toos ah ugu diray safiirka, ayuu ku sheegay in maamulkiisu uusan lug badan ku lahayn arrimaha socda islamarkaana ku dadaalayay sidii ay usoo bixi lahaayeen xubno Ergadu doortay oo la farogalin.

Wuxuu intaas ku daray inuu labadii todobaad ee lasoo dhaafay ku mashquulsanaa xallinta colaadda magaalada Galkacyo, isagoo xusay in arrimaha doorashada ee kasocday Cadaado uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenkiisa, halka doorka xukuumaddu ahayd fududayn oo qura sida uu hadalka u dhigay.

Mudane Guuleed, ayaa sidoo kale tilmaamay in arrimaha doorashada si toos ah u wadaan guddiyo heer Federaal ah oo iyaga ka madax-bannaan kuwaasoo xulista Xildhibaanada iyo Ergooyinka u daadihinayay si habsami leh.

Guuleed, ayaa hadalkiisa ku daray inay jirto dhacdo la xiriirta, tallaabada uu qaaday Taliyaha NISA General Gaafoow oo ay hadda ku wadaan baaritaan, inkastoo uu tilmaamay inay ogaadeen inuusan joogin goobta doorashadu ka dhacday isaga iyo ciidamadiisa.

Wuxuu sidoo kale qoraalka kusoo hadal qaaday xubno kale oo doorashada kusoo baxay kuwaasoo la hadal hayay inay wax musuq-maasuqeen.

Qoraalka Madaxweynaha Galmudug, ayaa kusoo aaday xilli musuq-maasuq baahsan ka dhaceen doorashada aqalka hoose ee kasocotay degmada Cadaado, taasoo ay kusoo baxeen xubno adeegsaday laaluush iyo kuwa handaday murashaxiintii la tartamaysay kuwaasoo qasab ku afduubtay Ergadii wax dooranaysay.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Madaxweynaha Galmudug oo ku qoran luuqadda English-ka

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM