Madaxweynaha Galmudug oo lagu doortay Cadaado

Image

CADAADO, Somalia- Xildhibaanada Barlamanka maamulka Galmudug ayaa doortay Madaxweynaha maamulkaas kadib loollan adag oo ka dhacay xarunta KMG ee Cadaado.

Doorashada oo ay ku tartameen saddex murashax ayaa wareegii Labaad waxaa u gudbay Labo mudane oo kala  ahaa Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Shariif.

Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha Galmudug u doortay Axmed Ducaale Geelle Xaaf kadib markii uu helay codad gaaraya 54 mudane, halka ninka la tartamay ee Shariif uu helay 34 cod, sida ay sheegeen guddiga doorashada Galmudug.

Madasha wax lagu dooranayay waxaa joogay mas’uuliyiin uu kamid yahay wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Somalia iyo Xildhibaano katirsan dowladda dhexe.

Doorashada ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, oo la isla gaaray ilaa labo wareeg.

Balse waxaa Muuqatay mas’uulka la doortay inuu ahaa midka taageerada ku leh Xildhibaanada.

Waa madaxweynaha ugu da’da weyn kuwa maamullada ka jira Somalia.

Xaaf ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee Barlamanka Somalia isagoo sidoo kale ah ganacsade caan ah.

Mudada ka hartay xilhaynta Madaxda hadda jirta iyo Barlamanka ayuu mudane Xaaf hogaamin doonaa maamulka Galmudug.

Madaxweynihii ka horeeyay ee Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhawaan isu casilay sababo uu ku sheegay caafimaad darro, balse kusoo aaday xilli laga keenay Mooshin Xil ka qaadis ah markii lagu eedeeyay inuu kasoo bixi waayay shaqadii loo dhiibay.

Doorashadan ayaa dhacday xilli uu guul darraystay wadaxaajoodkii lagu doonayay in lagu hishiisiiyo maamullada Ahlu Sunna iyo Galmudug oo kawada taliya gobollada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM