Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyay hishiis uu la galay dhigiisa Puntland [Dhagayso]

Image

26 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xusen Guleed ayaa sheegay inay diyaar u yihiin deganaansho iyo nabad laga abuuro deegaanada maamulkaasi.

Guuleed ayaa ka codsaday maamullada dariska la ah inay ka shaqeeyaan sidii loo adkayn lahaa amniga, wuxuuna xusay inay muuqato ifa-faalooyin aan wanaagsanayn, taasi oo abuuri karta daganaansho la'aan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dhigiisa Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku kulmeen magalada Muqdishu, kana wada hadleen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa xuduuda labada dhinac.

Maamulka Ahlusunna ayuu u jeediyay baaq nabadeed, wuxuuna tilmaamay in garab ka mid ah hishiis la galeen, halka kuwa kale ugu baaqay inay qaataan wadahadal.

Al-Shabaab ayuu xusay inay kula jiraan dagaal adag, isagoo tilmaamay in deegano badan xoog looga qabsaday.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu shalay ku soo laabtay magalada Galkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM