Madaxweynaha Hir-shabeelle oo wasiirro magacaabay

Image

JOWHAR, Somalia- Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah ugu dhawaaqay Golahiisa Wasiirada cusub, oo noqonaya kuwii ugu horeeyay ee uu yeesho maamulkaasi dhawaan la aas-aasay. 

Golaha Wasiirrada lagu dhawaaqay waxay ka kooban yihiin 25 Wasiir oo 3 kamid ah ay yihiin Haween, sida ku xusan War Saxaafadeedka Cosoble oo nuqul kamid ah Gorowe Online helay. 

Golaha Wasiirrada cusub waxay ka kooban yihiin 52 xubnood, oo isugu jira 23 Wasiir, 23 Wasiir ku xigeen iyo 6 Wasiiru dowle. 

Waxaa ku jiro 3 haween ah, oo hal ay kamid noqotay Wasiirada, Labana ay kasoo muuqdeen ku xigeenada, halka Wasiiru dowlayaasha aanay ku jirin wax dumar ah.

Halkan ka akhriso Liiska magacyada Golaha Wasiirada;

Garoweonline

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM