Madaxweynaha HirShabeelle oo gobolka Hiiraan ka sameeyay Maxkamad Islaami ah

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo saaray wareegtooyin labo ah oo maxkamado Islaami ah loogu samayay gobolka  Hiiraan iyo degmada Baladweyne ee caasumadda gobolkaas.

Qoraal maanta kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Cosoble, ayaa lagu sheegay in xalka gobolka iyo degmada loo arkay in la sameeyo maxkamad Islaami ah si loo helo Garsoor caadil ah oo wax ka qabta khilaafaadka daba dheeraaday ee ka dhex aloosan shacabka reer Hiiraan.

Samaynta Maxkmaddan ayaa Madaxweynuhu sheegay inuu u cuskaday rabitaan ka yimid shacabka iyo talo soo jeedin uu sameeyay wasiirka Garsoorka maamulka HirShabeelle.

Maxkamadda Racfaanka ee loo sameeyay gobolka Hiiraan, waxaa Guddoomiye looga dhigay Sh. Ibraahim Xasan Cali, kaasoo lagu lammaaniyay Labo Garsoore iyo hal Kaaliye.

Dhinaca kale Maxkamadda degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa Guddoomiye looga dhigay Sh. Roobe Yuusuf  Nuur, waxaana lagu lammaaniyay, Labo Garsoore, Labo Kaaliye, Gaarsiiye iyo Agaasimaha Gal-dacwadeedka.

Waxaa lagusoo aadiyay xilli maxkamado dowladdi iyo madani isugu jira ay ka jireen gobolka Hiiraan.

Ilaa hadda arrintan kama aysan hadlin shacabka reer Hiiraan iyo degmada Baladweyne siday u arkaan, balse waxay kusoo aaday xilli inta badan xarunta gobolkaas ay ka dhacaan dagaallo la xariira murano ka dhasha daaqsinka, dhulka iyo anooyin Qabiil oo muddo soo noq-noqday.

Lama oga in arrintan wax ka badali doonto xaaladda gobolka Hiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM