Axmed Madoobe oo bil kadib Kismaayo kusoo laabtey [Dhegeyso]

Image

December 14, 2014 (GO)- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo muddo bil ah dalka dibadiisa safaro shaqo ugu maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.

Si diirran ayaa loo soo dhoweeyey wafdiga Madaxweynaha waxaana garoonka diyaaradaha kaga hortegey mas'uuliyiin ka tisran dowladda, madaxa dhaqanka iyo boqollaal dadweyne ah oo watey calamo iyo boorar ereyo soo dhoweyn ahi ku qoran yihiin.

Intaas kadib waxaa wafdiga loosii gudbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo Axmed Madoobe warbaahinta si kooban ugula hadlay isagoo ka warbixiyey safarradii uu dalka dibadiisa mudada bisha ah ugu maqnaa iyo weliba waxyaabaha usoo qabsoomay.

Madaxweynaha Jubaland wuxuu sheegay inuu booqday dalalka Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Kenya kulamana lasoo qaatey mas'uuliyiin ka tirsan dowladaha saddexdaas dal iyo xubno ka socdey beesha caalamka.

Qodobada uu kala hadlay mar uu sharaxayey wuxuu sheegay inay kamid ahaayeen: sidii Jubaland looga taageeri lahaa dhinacyada ammaanka dhaqaalaha iyo weliba dib u dhiska.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe wuxuu sheegay in ballan qaadyo badan loosoo sameeyey rajo weynna ka qabaan in codsiyadii ay gudbisteen si dhaqso ah loogaga soo jawaabi doono.

Muddo kooban ayaa ka harsan waqtigii horay loogu heshiiyey in maamulka kumeel gaar ah ee Jubaland sii jiri doono inta laga dhisayo maamul rasmi ah oo dhameystiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM