Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay wufuud ka socotey EU iyo IGAD

Image

December 14, 2014 (GO)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe ayaa maanta kulan saddex geesood ahaa magaalada Kismaayo kula qaatey wufuud ka kala socotey Midowga Yurub iyo IGAD.

Wafdiga reer Yurub waxaa hogaaminayey wakiilka Miowga Yurub u jooga Somaliya Michele Cervone waxaana qayb ka ahaa safiirro ka socdey dalalka: Sweden, Italy iyo UK.

Waxaa sidoo kale kulankaas ka qayb galay xubno ka socdey Urur Goboleedka IGAD iyo safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya.

Qodobo dhowr ah ayaa kulankaas layskula soo qaaday, waxase ugu muhiimsanaa xoojinta ammaanka, dhamaystirka maamulka, la-dagaalanka Al-shabaab iyo hirgelinta heshiiskii mideynta ciidamada ee dhowaan Jubaland iyo Dowladda Federaalku kala saxiixdeen.

Axmed Madoobe iyo Michele Cervone oo markii uu kulankaasi soo gaba gaboobay kadib si kooban warbaahinta ula hadlay, waxay sheegeen in laysku afgartay dhammaan qodobadii laga wada hadlay.

Madaxweynaha Jubaland oo muddo bil ah safarro shaqo dalka dibadiisa ugu maqnaa isla gelinkii hore ee maanta ayuu dib Kismaayo ugu soo laabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM