​Madaxweynaha Jubbaland oo maxaabiis cafiyay

Image

KISMAYO- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa sheegay inay cafinayaan maxaabiista ku xiran magaladaasi qaar kamid ah, maadama lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madoobe, ayaa saraakiisha amniga ka codsaday in loo soo gudbiyay shakhsiyaadka ku eedaysan dambiyada fudud amba u xiran arrimo siyaasadeed si uu u cafiyo, wuxuuse sheegay inaan la siidayn doonin dadka loo haysto dilalka iyo dambiyada culus.

Hadalkan oo uu jeediyay xilli uu la hadlayay warbaahinta, ayaa madaxweynaha Jubbaland, wuxuu codsaday in la labo laabo, howlaha loo hayo bulshada isagoo tilmaamay in la isku dhex wado cibaadada iyo shaqada.

“Haddii ay jiraan maxaabis arrimo siyaasadeed u xiran ama dambiyo fudud loo heysto oo waqtigoodu soo dhow-yahay,waan cafineyna bisha Ramadaan aawadeed,”Ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli maxaabiis badan ku xiranyihiin magalada Kismayo xarunta gobolka Jubbada hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM