Madaxweynaha Koofur Galbeed oo tagay Waajid

Image

WAAJID, Somalia – Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaarey degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Safarka Madaxweynaha oo ahaa dhanka hawada, ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Waajid, mas'uuliyiin sare oo katirsan maamulka, Saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed, qaranka iyo kuwa Ethiopia.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa la kulmay mas'uuliyiinta iyo Taliyaasha ciidamada, waxaana ay kawada hadleen xaaladda amni iyo mida bini'aadanimo, ee xilligan ka jirta Waajid iyo Tuulooyinka hoostaga.

Madaxweynaha ayaa maamulka Degmada ku wareejiyay Lacag dhan $25,000 (Shan iyo Labaatan Kun oo Doolar) si loogu Caawiyo Dadka ay Abaartu saameysay, oo hada ay gaajo iyo nafo darri baahsan haysato.

Booqashada Shariif Xasan ee Waajid ayaa kusoo beegmaysa, xilli degmadaasi ay mudo 3 sano ah ay go'doomin ba'an ku hayaan Al shabaab, islamarkaana dadka ku nool ay wajahayaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah.

Todobaadkii lasoo dhaafey, Al shabaab ayaa saacado kooban la wareegtay degmada, kadib markii ay weerareen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, oo markii dambe isaga baxay degmada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM