Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday Diin-soor

Image

BAYDHABO, Somalia- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagay degmada Diin-soor ee gobolka Baay.

Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa Madaxweynaha, waxaa ku wehelinayay xubno katirsan golayaasha xukuumadda iyo Barlamaanka.

Safarka Diin-soor ee Madaxweyne Shariif ayaa la xariiray dhinaca ammaanka iyo u kuurgalista xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan degmadaas.

Wuxuu booqday xeryo ciidan oo halkaas ku yaalla isagoo sidoo kale la kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo kala hadlayay sidii loola shaqayn lahaa ciidamada nabad-galyada maamulkiisana gacan looga siin lahaa sidii Koonfur Galbeed looga saari lahaa ururka Al Shabaab.

Shariif Xasan oo mar uu ka hadlayay qorshaha xukuumadiisa kaga aadan dhinaca ammaanka, wuxuu sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan duullaanka ka dhan ah ururuka Shabaab oo ku eedeeyay inay dhibaato weyn ku hayso gobolka.

Wuxuu bulshada Diin-soor ku ammaanay sida ay markasta uga shaqeeyaan hormarka iyo xasiloonida, isagoo ballan qaaday in dowladiisu il gooni ah ku eegi doonto.

Booqashadan ayaa qayb ka ah safarro kala duwan oo Madaxweynaha maamulkaasi ku tagay degmooyin katirsan gobolka Baay oo hadda ay ka jirto xaalad amni darro iyo mid abaareed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM