Madaxweynaha M. Koonfur Galbeed oo wasiirro soo magacaabay

Image

December 19, 2014 (GO)- Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo magacaabay qaar kamid ah xubnaha golihiisa wasiirrada.

Munaasabad ka dhacday Baydhabo ayuu kaga dhawaaqay magacyada afar wasiir isagoo sheegay inuu inta dhimanna sida ugu dhaqsaha badan kusoo dhameystiri doono.

Madaxweyne Shariif ayaa dhanka kale sheegay in xubnahan keligiis iska soo magacaabin balse uu kala tashaday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Afarta wasaaradood ee wasiirrada loo soo magacaabay ayaa kala ah:

  1. Wasaarada Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Ibraahim Aadan (Sate).
  2. Wasaarada  Maaliyadda, Sheekh Xasan Ibraahim (Lug-buur).
  3. Wasaarada  Garsoorka, Axmed Sheekh Xasan (Garrow).
  4. Wasaarada Beeraha, Maxamed Xasan Fiqi.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed loogu doortey doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo November 17, 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM