Madaxweynaha maamulka Ahlu Sunna oo magacaabay Taliyaal ciidan

Image

DHUUSA-MAREEB, Somalia- Madaxweynaha maamulka Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayaa magacaabay Taliyaal Cusub, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa 14 bishan, kuwaasoo ka howl gali doona gobollada dhexe sida lagu sheegay wareegtadaas.

Sheekh Shaakir ayaa qoraalka uu taliyaashaas ku magacaabay, wuxuu ku tilmaamay inay baahi u qabaan taliyaal hogaamiya ciidamadooda ka howl gala gobollada dhexe.

Wareegtadan ayaa u muuqatay in maamulkaas uu isu arko mid kamid ah kuwa ka jira federaalka ee qaybta ka ah dowladda dhexe, waxaana tigreeda ku qoran “Maamulka gobollada dhexe”.

Tallaabadan ayaa timid xilli dhawaan uu fashilmay wada-hadal u dhaxeeyay iyaga iyo maamulka Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa gacanta ku haysa qaybo kamid ah degmooyinka gobollada dhexe kuwaasoo qaybtood ay ka saareen ururka Al Shabaab.

Dhawaan kama aysan qayb galin doorashadii ka dhacday Cadaado ee lagu soo doortay Xaaf.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM