Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeele oo eedeeyey dowlada Federaalka

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo eedeeyay Dowladda Federaalka ah kadib markii uu beeniyey in shir looga hadlayo xuduudaha mamaulkisu kaga qayb galay magalaada Muqdishu.

"Shalay waxaa ka dhacay Muqdisho shir lagu xallinayey xuduudaha, waxaanu ka daawanay TVyada waxaa la yiri dowladd goboleedyada oo dhan baa loogu yeeray iyadoo la yiri in Hirshabelle ayaa ka qaybgashay shirkaasi looga hadlayey xuduudaha".

Cosoble oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in mamaulkisu xaqiiqdii uusan ka qayb galin kulankaas isagoo diidey hadal xusayey in mamaulkisu goob joog ahaa shirkaas.

"Waxaan u sheegayna dowladda Federaalka ee Soomaaliya anoo rajeynaya in golaheeda wasiirada cusub in la ansixiyo, waxaan u sheeegayna Madaxweynaha iyo Ra'isalwasaaraha inaan ka biyo diidsanahay qaabka ay howlwadeenada wasaarada arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ay ula mucaamalaan dowladd goboleedka Hirshabelle , iyadoo aan anagu ognahay khaladaad fara badan oo ay galeen, balse mar walbo aan la hadalno hadana ay muuqatay inay ka dhega adeygayaan balse hada soo gaartay heer laga hadlayo arrimo xasaasi ah."

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamulka Hirshabeele isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri " Mar hadii shirkii xuduudaha looga hadlayey ee xasaasiga ahaa nalaga qariyey naloo  sheegin, balse shacabka iyo calaamkaba markhaati looga dhigay inaanu ka qaybgelnay raalina kanahay wixii howl ah ee meeshaasi ka socda ujeedka inuu yahay in loo soo socdo kheyraadka Hirshabelle leedahay."

Hadalka Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeele ayaa imaanaya kadib markii ay soo baxayeen maalmahaan dambe in mamaulkiisu furayo dekada Ceel-macaan iyo garoon diyaradeed kuwasoo kaabiga ku haya magalaada Muqdishu.

GAROWEONLINE + DEPRANI 

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM