Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo gaarey Kismayo

Image
Image

Dec 27,2014 [GO]- Madaxweynaha maamuulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray magalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magalada Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxda maamulka Jubbaland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan Madoobe, Wasiirro, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhaweyn kaddib wafdiga Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan waxaa loo gudbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Jubbaland halkaasoo kulan saacado socdey wada qaateen dhigiisa Mud. Axmed Madoobe.

Ugu horeyn waxaa saxafada la hadlay markii uu dhammaaday kulankaan Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan, isagoo maamulka Jubbaland uga mahad celiyey soo dhaweyntii heerka sare eheyd ee loo sameeyay.

Dhanka Kale Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in labada maamul iska kaashan doonaan amaanka iyo arrimaha Ganacsiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM