Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo qarax ka badbaadey [DHEGEYSO]

Image

BAYDHADO 18 May, 2015 (GO)- Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka badbaaday qarax lagu khaarajin lahaa, kadib markii lala beegsadey qarax kolonyadiisa, meel u dhow magaalada Afgooye.

Shariif Xasan oo maalmahii lasoo dhaafey ku sugnaa degmada Afgooye iyo deegaano kale oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa qaraxaan lagula beegsadey inta u dhexeysa Carbiska iyo degmada Afgooye,

Kolonayada gadiidkiisa ayaa ku sii jeedey deegaanka Lafoole halkaasoo madaxweynaha Koonfur galbeed doonayay inuu kula kulmo dadka deegaanka.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Maxamad Nadara oo la hadley saxafadda ayaa sheegey in aysan jirin cid qaraxa wax ku noqotay, isagoo xusey inuu ahaa miino dhulka lagu aasey.

Dhanka kale, Madaxweyne Shiriif Xasan oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ahi qaraxiisa kasoo gaarin kolonyadii uu la socdey.

Wuxuu sidoo kale cambaareeyey weerarka isgoo ku tilmaamay fal fuleynimo ah oo aan waxba ka nuqsaamin doonin shaqada mamulka Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE  

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay bannaanbaxyo toddobaadle ah ilaa Xasan Sheekh ka baxayo Villa Somalia

Dowladda federaalka ayaa si adag u diidday sheegashada mucaaradka ee ah in muddo xileedka madaxweynaha uu dhammaaday.

  • Soomaliya

    20-05-2026

  • 07:47AM

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM