Madaxweyne Xasan "waa in la xoojiyo amniga goobaha muhiimka ah"

Image

March 28, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amrey hay'adaha ammaanka inay sugaan ammaanka goobaha muhiimka ah ee dadku isugu yimaadaan sida hoteellada iyo goobaha laga qaxweeyo.

Xasan Sheekh oo magaalada Sharm el Sheikh uga qayb gelaya shirka madaxda Carabta ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii lagu soo qaadey Hotel Maka Al Mukarama cadeyn u yahay sida Al-shabaab aysan ugu naxeynin dadka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"hammaan hay’adaha amniga dowladda waxaan farayaa inay si taxadar leh u hubiyaan amniga hoteellada, goobaha muhiimka iyo xarumaha dowladu ay leedahay. Raggan naf-la-caariga ah in laga hortago mooyee, wax kale oo asxaan ma lahan” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale tacsi u direy ehelada dadkii ku geeriyoodey weerarka, isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Shalay galabkii ayey ahayd markii dhowr dagaalyahan oo Al-shabaab ka tisani gudaha u galeen Hotel Maka Al Mukarrama oo ku yaala baramaha magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay ilaa iyo 15 qof oo mas'uuliyiin dowladda ka tirsani ku jireen ayaa weerarkaas ku geeriyoodey.

Ma cadda sababta Al-shabaab u beegsato hoteellada ay inta badan degaan dadka kasoo jeeda gobollada ka baxsan Muqdisho, iyadoo la xusuusto weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee bishii hore lala beegsadey beegsadey Central Hotel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM