Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay Muqdishu [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

19 September, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhoofay magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Gaas ayaa ku wajahan Muqdishu oo ka furmayo Barri shir looga hadlayo doorashada 2016 oo ilaa hadda la caddayn qaabka ay noqonayso.

Xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Barlamanka iyo saaraakiil kale aya ku wehelinay Gaas safarkiisa.

Gaas ayaa markii uu ka dhoofayey la hadlaye saxaafada waxaana uu yiri  "Dabcan waxaan shacabka Puntland u cuntamin shirka kasoo qaadi mayno qorshahayagu waxa weeyaan in mowqifka  Puntland cadyahay, Somalina u cadyahay beesha caalamkana u cadyahay”

Magalada Muqdisho waxaa Axadda ka furmaya shir looga hadlayo doorashada dalka Somalia ka dhici doona 2016, waxaan maanta la filayaa inay tagaan Xamar masuuliyiin ka socota maamullada kale ee dalka.

Shirka Muqdishu waxaa madaxweyne Gaas caadaadis ku saaray inuu ka qayb galo beesha calaamka, horay Barlamanka Puntland waxay ku sheegeen kalfadhigii dhawaan soo xirmay inaysan dowladda Puntland shir la gali karin madaxda Somalia illaa la saxo waxyaabaha faragalinta lagu sameeayay oo Dastuurku ka midyahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM