Madaxweynaha Somalia "Doorashada 2016 waan ka qayb galayaa"
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ku safar ku jooga magalada Washington dalka Maraykanka, ayaa ka hadlay xaaladda Somalia gaar ahaan doorashada 2016 iyo arrimaha sababay qulqulka tahriibka dhalinyarada dalka.
Xasan wuxuu sheegay in tahriibka dhalinyarada Somaliyeed ka xunyihiin, balse aysan dowladdu lahayd sababta loo tahriibayo, isagoo xusay in mas'uuliyad ka saarantahay qaabkii loo samayn lahaa jawi shaqo abuur iyo nidaam kala dambayn lagu heli karo.
Wuxuu xusay in dalka fursado badan ka bannaanyihiin islamarkaana da'yarta haajiraysa ka waantoobaan falalkaasi oo dalka imaansadaan, wuxuuna shaaciyay in xaaladda lagu jiro dhaqso looga bixi doono.
Shirarkii ka dhacay Muqdishu ee madaxda maamul dowladda Federalka iyo maamul goboleedyadu isugu yimaadeen ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay inay waxbadan ka hirgaleen islamarkaana ka marqaati kacayso sida dowladda dhexe aysan isugu koobin caasumadda dalka ee ay tagtay qaybaha kale ee waddanka Somalia.
Dhinaca kale khudbad madaxweynaha Somalia uu ka jeediyay Machadka Arrimaha Amniga ee Mareykanka (United States Institute of Peace), ayuu faah faahin kaga bixiyay xaaladda amniga iyo joogitaanka ciidamada AMISOM.
“Dib u soo kabashada Somalia waxaa door weyn ka qaatey ciidammada aanu walaalaha nahay ee Midowga Afrika (AMISOM). Taageerada ay inoo fidiyeen ayaana inaga caawineysa inaan sannadkan doorashooyin qabano.... AMISOM ku dhowaad 10 sanno ayay waddankeena joogtaa, weligoodna ma sii joogayaan waddanka. Waxaa la joogaa waqtigii aan diyaarin lahayn istaraatiijiyaddii AMISOM ay ku soo afjari lahayd hawlgalkeeda Somalia, loona diyaarin lahaa in ciidankeena ay waajibaadkaasi si buuxda ula wareegaan," Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha oo waraysi siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inuu yahay murashax u tartamaya xilka madaxweynaha Somalia 2016 isagoo tilmaamay inuu la imaan doono ajandayaal wax ku ool ah, wuxuuna intaasi raacshay in ballanqaadkiisii 2012 waxbadan ka hirgaleen.
Arrintan, ayaa kusoo aaday xilli horay la isla dhexmarayay warar sheegaya inuu madaxweynaha Somaliya yahay murashax u taagan xilkan mar labaad.
Xasan Sheekh ayaa doorasho ku salaysan 4.5 lagu doortay magalada Muqdishu sannadkii 2012, waxaana ballanqaadkiisii kamid ahaa inuu dalka gaarsiin doono doorasho qof iyo cod ah, balse dhammaadkii 2015 ayaa xukuumaddiisu iclaamisay in nidaamkaasi ka hirgali karin dalka, waxaana dooda badan kadib dib loogu noqday habka qabiliga ahaa ee horay loogu soo doortay. Inkastoo la sameeyay aqal sare.
GAROWE