Madaxweynaha Somalia oo arrimo kala duwan ka hadlay [Dhagayso]

Image

NAIROBI, Kenya- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay ka qayb galay kulan lacag loogu aruurinayay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan dalka Somalia.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka sheegay in xukuumaddiisa ka go’antahay inay si hufan ugu adeegto shacabkeed islamarkaana ay saldhig u tahay ku shaqaynta danta shacabka.

Farmaajo, ayaa xusay in golaha xukuumadda ee dhawaan lasoo magacaabay ay yihiin kuwo ku shaqayn doono ajandayaashii uu horay u shaaciyay ee ahaa; gudashada waajibaadka qaran, ilaalinta hantida dadweynaha, kor u qaadista cadaaladda iyo soo celinta rajada shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray wasiirrada dhawaan lasoo xulay, wuxuuna ku wargaliyay inay yihiin mas’uuliyiin qaran balse aysan matalin qabaa’il, isagoo ugu  goodiyay shakhsigii shaqadiisa gudan waaya in xilka laga xayuubin doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay wajahayaan dhibaato adag oo dhinac shacabka uga imaanaysa taasoo ay qayb ka tahay bur-burka Somalia ka jira, isagoo tusaale u soo qaatay soo xulista Wasiirrada oo RW Xasan Cali Khayre ku qaadatay muddo 21 casho ah.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Kenya ay kawada hadleen arrimo ku aadan iskaashiga dhaqaalaha iyo furitaanka xuduudaha, wuxuuna xusay in dhammaan arrimahaas yihiin kuwo dhakhso hirgali doona.

Wuxuu intaas ku daray in dalka Somalia uu yahay mid Qani ku ah khayradka dabiiciga ah, balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay iyadoo taas ay jirto in shacabka Somaliyeed u dhimanayaan Gaajo.

Dowladdiisa ayuu xusay inay ku dadaali doonto sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka iyadoo la samaynayo ajandayaal hormarineed iyo soo jiidasho maal-gashadayaal caalami ah.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Somaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub, si meesha looga saaro in lagu tiirsanaaado deeqo shisheeye iyo kaalmo dowlado kale.

Hadalka Madaxweynaha Somalia, ayaa yimid xilli muddo saddex maalmood ah uu booqasho rasmia h ku joogi doono dalka Kenya isagoo ka qayb galaya shir Madaxeedka IGAD kasoo maanta ka qabsoomaya magaalada Nairobi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM