Madaxweynaha Somalia oo baaq u diray Shacabka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan la qaaday Guddiga Abaaraha qaranka Somalia, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda waddanku ku jiro iyo sidii loo caawin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliyaan Wasiirrada Warfaafinta, Diinta, guddoomiyaha gobolka Banaadir, agaasimayaal ka socda wasaaraha qaar iyo Culimada Soomaaliyeed qaarkood, ayaa shir saxaadeed ay ku qabteen Villa Somalia iclaamiyay in la badiyo alla bariga iyo weydiisiga dambi dhaaf.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkaas ka iclaamiyay isu soo bax ALLA bari ah inuu dhaco todobaadkan dhexdiisa si EEBBE loo waydiisto naxariistii maadaama kaalmada insaanka waxba qaban karin.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay Alle bari iyo roob doon isugu soo baxaan maalinta Talaadada ah, 14ka Maarso, 2017, keddibna ay is cafiyaan, oo ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha.”

Madaxweynaha ayaa ka codsaday ganacsatada, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha si loo badbaadiyo dadka iyo duunyada ku baaba’aya abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Ololaha Gurmad Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, isaga oo ku baraarujiyay ganacsatada iyo qeybaha bulshada in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

Wuxuu baaq u diray dowladdaha taageera dalka Somalia, isagoo ka dalbaday gar-gaar lasoo gaaraan dadka dhibaataysan ee abaartu saamaysay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM