​Madaxweynaha Somalia oo booqan doona Addis Ababa

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago waddanka Ethiopia oo kamid ah dalalka ciidamadoodu joogaan Somalia, islamarkaana aad ugu lug leh siyaasadda dalka.

Booqashadan ayaa la sheegay inay ku saabsantahay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacayada wada-shaqaynta amniga iyo hormarinta.

Sida lagasoo xiganayo saraakiil katirsan Madaxtooyada Somalia, Madaxweynaha ayaa magaalada Addis Ababa u dhoofi doona galinka dambe ee maalinta Arbacada ee fooda nagusoo haysa.

Tan iyo markii la doortay 8-dii Febraayo Madaxweyne Farmaajo waa markii ugu horaysay uu dalkaas booqdo hadii uu baxo maalinta Arbacada.

Horay waxaa warbaahintu aad u tabinaysay inuu xumaaday xiriirka labada waddan, maadama Madaxweyne Farmaajo uu ka cudur daartay inuu tago dalkaas oo inta badan booqashooyin ku tagaan madaxda Somalida.

Ethiopia ayaa Madaxweynaha ka codsatay inuu soo maro kahor intuusan u duulin magaalada London oo lagu qaban doono shir looga hadlayo arrimaha Somalia.

Balse Farmaajo ayaa wararku xusayaan inuu muddo ka war-wareegayay dalabkaas.

General Gabre oo kamid ah mas’uuliyiinta sida weyn ugu dhex-jiray siyaasadda Somalia tan iyo 2006-dii, wuxuu dhawaan bartiisa Twitter ka ku qoray in Madaxweyne Farmaajo uusan ixtiraamid ciidamada Ethiopia ee ku sugan Baydhabo mar uu halkaas dhawaan booqday.

Hadalkaas ma jirin wax war ah oo ay kasoo saartay xukuumadda Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM