​Madaxweynaha Somalia oo Hambalyada ciida u diray Shacabka [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada ciidda barakaysan ee Al-Adxaa.

Madaxweyne Famaajo waxa uu Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.

“Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna. waa maalmo muujiya dareenka dhabta ah ee aynu isu qabno.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynha waxa uu sii wayn  ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.

“Haddii aan anagu masuuliyiintii nahay waxaanu u istaagnay in aan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar,” Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Somalia.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka inuu marayo meel wanaagsan isagoona rajo ka muujiyey in Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay Danjiraha Turkiga xilli uu fashilmay Wahadalka doorashadda

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay fashil kusoo dhamaadey wahadalkii Mucaaradka iyo Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 11:32AM

Sheekh Shariif: Xasan Sheekh ma oran kara waxaan sii joogayaa illaa 2027

Digniintan ayaa imaneysa xilli ay guul la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadallo dhowaan ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 09:40AM