​Madaxweynaha Somalia oo Hambalyada ciida u diray Shacabka [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada ciidda barakaysan ee Al-Adxaa.

Madaxweyne Famaajo waxa uu Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.

“Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna. waa maalmo muujiya dareenka dhabta ah ee aynu isu qabno.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynha waxa uu sii wayn  ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.

“Haddii aan anagu masuuliyiintii nahay waxaanu u istaagnay in aan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar,” Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Somalia.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay dadaalka dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka inuu marayo meel wanaagsan isagoona rajo ka muujiyey in Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM