Madaxweynaha Somalia oo ka hadley cafiska loo fidinayo Al-Shabaab

Image

MUQDISHU Jan 28, 2015 [ GO]- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si buuxda shaaca uga qaadey in ay weli albaabadu u furan yihiin xubnaha iyo saraakiisha Al-shabaab doonaya in ay ka tanaasulaan fikirka xagjirka ah.

War-saxafaded ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somalia ayaa lagu sheegay in dowladdu cadanayso in ay sugayso nabadgelyada sarakiisha Al-Shabaab ee soo goosta kana tanaasulay fikrada qaldan ee kooxda.

Wuxuu boggaadiyey madaxweynuhu saraakiisha sar sare ee Al-shabaab ee soo goostay, sida Maxamed Siciid Atam, Zakariye Ismaaciil Xirsi oo isna shalay saxaafadda u xaqiijiyey in uu ka laabtay fikirkiisii iyo saraakiil kale oo uu ka mid yahay Xuseen Dhubi oo bishan iska dhiibay Luuq.

“Xubnaha Al-shabaab waxaan u sheegaya, hadii aysan la dhacsanayn fikrada qaldan ee wax burburinta ee kooxda weli albaabadu waa kuu furan yihiin.” Ayuu yiri Xasan Sheikh.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqaysay in xayiraada laga qaado xubno uu ka mid yahay Sheikh Atam oo hogaamin jiray koox ka dagaalanta buuraha Galgala ee Puntland. 

Zakiriye Xirsi oo ahaa sarkaal sare oo mar haysan jiray qaybta mukhaabaraadka ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa shalay saxaafadda u sheegay in uu ka laabtay fikirkii uu haystay, isagoo afkaartiisa ku gudbin doona si nabad ah, sida uu sheegay.

"si joogta ah ayaa waxaa dusha kala soconaya ciidammada amniga ee Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan in ay dhab ka tahay goosashada isla markaana ay ka go’an tahay inay abid ka fogaanayaan Al Shabaab." Ayuu yiri Xasan Sheikh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii wuxuu kaloo la hadlay xubnaha dagaalyahanada ah ee Al-shabaab oo uu u fidiyey cafis hadii ay soo noqdaan isagoo ammaanay malayshiyo badan oo kooxda hore uga soo goostay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM