​Madaxweynaha Somalia oo ka qayb-galay aaska Xildhibaan Burci

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Muqdishu, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda Jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo dhowaan ku dhintay weerarkii kooxda Shabaab ku qaadeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdishu.

Waxaa sidoo kale Salaaddaasi kasoo qayb galay Guddoomiyaha Barlamanka, ku-xigeenkiisa koowaad, Ra'isal wasaare ku-xigeenka dowladda Soomaliya, xubno katirsan labada gole ee dowladda iyo qaar kamid ah ehelka Marxuum Burci.

Madaxweynaha ayaa salaadda jannaasada kaddib mid mid u gacan qaadey ehelada iyo qoyska marxuumka, isagoo mar kale uga tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Burci oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha deegaanka.

Burci ayaa noqonaya Xildhibaankii saddexaad oo bishan gudaheeda lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM