Madaxweynaha Somalia oo ka safray Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa maanta safar qaadan doona hal maalin uga baxay caasumadda dalka ee Muqdishu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kusii jeeda waddanka Jordan oo ka dhici doono shir ay isugu imaanayaan madaxda dalalka Jaamacadda Carabta.

Kulankaas ayaa ka duwan kuwii ay horay u yeelan jireen Madaxda Carbeed, waxaana wararku sheegayaan inay ka qayb gali doonaan ilaa 16 Madaxweyne iyo Boqor.

Shirkan oo noqonaya kii 28aad ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo kala duwan oo ay ku jirto xaaladda Somalia.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Somalia, ayaa kusii sagootiyay Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorshaynayaa in  xaaladda waddanka ee amniga iyo abaaraha uu kala hadlo mas’uuliyiinta kala duwan ee shirkaas ka qayb gali doonta.

Kulan Madaxeedkii kan ka horeeyay ayaa ka dhacay waddanka Mouritania, waxaana ka qayb galay sideed hogaamiye oo qura.

Madaxweynihii waqtigaas ee dalka Somalia ayaa ka baaqsaday inuu xaadiro shirka iyadoo waddanka ay ka socotay loollan doorasho.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun, ayaa kulankaas ku cusub.

Waa safarkii saddexaad oo Madaxweynaha Somalia uga baxo Somalia tan iyo markii la doortay bishii Febraayo 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM