Madaxweynaha Somalia oo mar kale dhoofaya Todobaadkan

Image

MUQDISHU, Somalia- Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhoofayo todobaadkan gudahiisa, xilli uu maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdishu.

Xogta uu GO, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo caasumad ka helay dhigiisa dalka Masar Abdulfatah Al Sisi.

Labada hogaamiye ayaa wararku sheegayaan inay kawada hadlaan arrimaha xiriirka labada dal, iyo taageerada Masar ay siiso Somalia.

Kulanka ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar.

Lama oga xilliga uu dhoofi doono, balse waxaa wararku sheegayaan inuu todobaadkan dhexdiisa tagi doona magaalada Qahira, oo ku tagayo socdaalkiisii ugu horeeyay.

Waa safarkii 8-aad ee Madaxweyne Farmaajo uga baxo dalka Somalia, tan iyo markii la doortay bishii Febraayo sanandkan 2017.

Horay ayuu Madaxweynu u booqday waddamada dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.

Safarradiisa badan ayuu mar uu ka hadlay, wuxuu sheegay inuu ku raadinayo soo celinta sumcadda Somalia, halka kharashaadka ku baxaya uu sheegay inay bixiyaan dalalka casuumay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM