Madaxweynaha Somalia oo soo gaabiyay safarkiisa Ethiopia

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaabiyay safar qaadan lahaa saddex bari oo ku joogay caasumadda Waddanka Ethiopia ee Addis Ababa.

Sida uu ku shaaciyay bartiisa Twitterka Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa soo gabo-gabeeyay kadib markii caawa magaalada Muqdishu lagu dilay allah u naxariistee wasiirkii howlaha Guud iyo dib-u-dhiska, Cabbaasi Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay inuu tiiraanyada la qaybsanayo shacabka Somaliyeed islamarkaana uu ka qayb galayo aaska qaran ee loogu samaynayo wasiirka Muqdishu.

"Waxaan soo gaabinayaa booqashadeyda Ethiopia si aan uga qeyb galo baroor diiqda iyo aaska Qaran ee wasiir Cabbaas," Ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu qoraalkiisa ku daray mar uu ka hadlayay sida uu arko Geerida Wasiir Cabaas, "Aad Ayaan uga murugooday geerida Wasiir Cabbaas. Waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah, dadaal badan oo waddani ah. AUN".

Madaxweynaha Somalia ayaa maanta tagay magaalada Addis kadib casuumad uu ka helay dowladda Ethoipia, waxaana kulamo labada dhinac dhexmaray ku hishiiyeen inay ka shaqeeyaan maslaxadda labada dal.

Barri ayaa la filayaa in Madaxweynuhu tago Muqdishu, suu aaskar Marxuum  Cabaas uga qayb galo.

Dhinaca kale Ra’isal wasaaraha Somalia oo ka hadlay dilka ayaa bartiisa Twitterka ku qoray sidan; “Waxaan Tacsi u dirayaa ehellada Marxuum Wasiir Cabbaas Sh, C. Siraaji, Ilaahay waxan uga baryeyaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo.”

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM