Madaxweynaha Somalia oo u dhoofey Talyaaniga

Image

2 September, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha DFS Xasan Shekh Maxamud ayaa maanta u dhoofey dalka Talyaaniga, waxaana sii sagootiyay xubno ka socda golayaasha dowladda.

Safarka madaxweynaha aya salka ku hayaa ka qayb galka bandhigga Carwo caalami ah oo ka socota dalkasi oo qeyb ka mid ah looga hadli doono maalgashi lagu sameyo Somalia.

Madaxweyne Xasan Shekh ayaa sidoo kale la filayaa in 4 bishan uu Roma kula kulmo madaxweynaha dalka Talyaaniga oo lafilayo inay kawada hadlaan arimo la xiriira xoojinta wadashaqaynta labada dhinaca.

Bandhig carweedkan ka socda magalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa furmay 1-dii May waxaana uu socon doono ilaa 31-ka bisha October, waxaana ka qeybgalay in ka badan 145-dal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM