Madaxweynaha Somalia oo Ubuxyo Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Muqdisho

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay weheliyaan xubno ka tirsan dowladda ayaa maanta Sabti ah ubaxyo lagu maamusyo 1-da Luuliyo dhigay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Mudisho.

Madaxda ka soo qayb-gashay munaasabad-dan waxaa kamid ahaa wasiiro , xildhibaano ,qaar kamid ah gudoomiyayasha degmooyinka Muqdisho iyo sidoo kale dadweyne fara badan oo u soo daaawasha tagay goobta.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Somaliya ,iyadoo amniga goobta ay munaasabad-dan ka dhacaysay uu ahaa mid si weyn loo adkeeyay.

Madaxweynaha oo ay garab socdaan gabdho ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ubaxa dhigay xarunta Daljirka Dahsoon ,halkaasi oo uu kala hadlay boqalaal kamid ah dadweynaha Muqdisho oo goobta ku sugnaa.

"Waa wax lagu faano in maanta aan halkan ku xusno 57-sano guuradii ka soo wareegatay markii ay waqooyiga iyo Koonfurta midoobeen , isla markaana goobta uu ka baxay goomistihii dalka haystay " ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad-da.

Qaar kamid ah hogaanka ciidamada Somalia ayaa iyagana goobta ka sheegay qiimaha ay maalintan ugu fadhido umadda Somaliyeed , xilli dalka uu soo maray marxalado kala duwan oo ka dhashay bur-burkii dhacay.

Ugu danbayn, munaasabdo lagu xusayo maalintan ayaa ka qabsoomay qaybo badan oo kamid ah dalka ,waxaana madaxweynaha Somaliya uu bulshada Somaliyeed ka dalbaday in laga qayb-qaato horumarka dalka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM