Madaxweynaha Somalia oo xilka ka qaadey Taliyihii amniga Madaxtooyada

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka ka qaadey Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin oo ahaa Taliyihii ilaalada Madaxtooyada dalka.

Farmaajo ayaa Xilkaasi u magacaabay Korneel Axmed Maxamed Af-cadey, oo sidoo kale Mas'uul ka noqon doono ammaanka Madaxweynaha, una raaci doono goobaha uu tagayo gudaha dalka.

Taliyaha xilka laga xayuubiyay Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, ayaa ah shaqsi ay qaraabo yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxa'uud, oo usoo noqday sidoo kale Madaxa Paratocol-ka.

Taliyaha cusub ee ilaalada Villa Somalia Korneel Af-cadey ayaa xilkan soo qabtay xilligii dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Sheekh Shariif 2009 - 2012.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sameeyay Xil ka-qaadis iyo Magacaabista Howlwadeenada sare ee Villa Somalia, taasoo saamaysay shaqaalihii lasoo shaqeeyay Madaxweynihii isaga ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM