​Madaxweynaha Soomaaliya oo Baydhabo tagay

Image

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Baydhabo xarunta gobolka, halkaas oo la filayo inuu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashada dalka ka dhici doonta sida la qorsheeyay dabayaaqada 2016.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo mas'uuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay Bayadhabo, waxaana la hadal hayaa in saacadaha soo socda uu furmo shirka madasha.

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe ), madaxweyaha Jubbaland, madaxweynaha Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa la filayaa inay tagaan saacadaha soo socda.

Amniga magaalada Baydhabo, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lasoo saaray hab cusub oo lagu sugayo nabadgalyada Baydhabo inta shirku socdo, waxaana magaalada laga mamnuucay mootada saddex lugoolayda ah ee Soomaalidu u taqaano Bajaaj.

Ciidamada dowladda Soomaliya, kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa amniga loo xilsaaray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM