Madaxweynaha Soomaaliya oo caawa gaarey Cadaado [Dhageyso]

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa caawa gaarey Cadaado, oo ah magaalo madaxda KMG ah ee maamulka Galmudug.

Wafdiga Farmaajo waxaa soo dhaweeyay Mas'uuliyiinta Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Xildhibaanno iyo dadweyne fara badan oo Haween iyo caruur u badan.

Madaxweynaha ayaa xilliga maqribkii ee caawa gaarey Cadaado, isagoo kasoo ambabaxay maanta magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug oo labadii maalin ee ugu dambeeyay uu ku sugnaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka reer Cadaado dhaweynta ay u sameeyeen, oo tan iyo saaka taagnaa wadooyinka iyagoo ku labisnaa dharka Calanka, watayna sawirka Madaxweynaha.

Safarka ee Madaxweyne Farmaajo uu Cadaado ku tagey ayaa ah mid Dib-u-heshiisiin ah, oo uu kusoo afjarayo khilaafka gobollada dhexe ka taagan, isagoo la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa la filayaa inuu uga sii gudbo Cadaado dhanka magaalada Dhuusamareeb, oo gacanta ay ku hayaan Ahlu Sunna, oo dhawaan heshiis awood-qeybsi ah la galay maamulka Galmudug.

Xildhibaanno katirsan labada aqalka ee Baarlamaanka, Wasiirro, Mas'uuliyiin kala duwan iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku sugan Dhuusamareeb, oo lagu qabanayo shir dib u heshiisiin ah.

Waa safarkii ugu mudada dheeraa oo Madaxweyne Farmaajo ku bixiyo gobollada dalka tan iyo markii la doortey bishii February 8, 2017, waxa uu booqashadiida ugu horeysay ku tagey Puntland oo 7 maalmood ku sugnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM