Madaxweynaha Soomaaliya oo gaarey Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey galabta magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo oo kasoo ambabaxay magaalada Cadaado isla gobolka Galgaduud ayaa safar dhanka dhulka ah ku tagey Dhuusamareeb, iyadoo aad loo adkeeyay amaanka wadada isku xirta labada magaalo.

Waxaa ku wehliya socdaalkiisa Wasiirro, Xildhibaanno, Mas'uuliyiinta maamulka Galmudug, oo uu kamid yahay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Soo dhaweyn diiran ayaa Madaxweynaha loogu sameeyay magaalada markii uu soo galay, waxaana loo galbiyay dhanka Madaxtooyadda, halkaasi oo la filayo inuu berri ka furmo shir lagu midaynayo Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Safarka Farmaajo oo loogu magac daray "Socdaalka dib u heshiisiinta" ayaa waxa uu ku tagay magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb oo maanta uu gaarey.

fahfaahin iyo Sawirro ku saabsan Warkan, kala soco Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM