Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galay xuska 8da March

Image
Image

March 8, 2015 (GO)- Munaasabadda 8da March  oo ah maalinta caalamiga ah ee haweenka dunida ayaa laga xusey magaalada Muqdisho.

Xaflad lagu qabtey  xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ,Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka , Xildhibaanno, maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ciidan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday kaalinta haweenku kaga jiraan bulsho walba, si gaar ah wuxuu uga sheekeeyey dowrkii muhiimka ahaa ee haweenka Soomaaliyeed kasoo qaateen xornimada Soomaaliya, muddadii u dalku burburka ku jirey iyo dib u dhiska xilligan socda.

Madaxweynuhu wuxuu hamblayo ku aadan 8da Maarso u diray haweenka Soomaaliyeed iyo guud ahaan haweenka dunida, isagoo ku baaqay in sanadkan 2015 uu noqdo sanad haweenka Soomaaliya horumar balaaran oo dhinacyo badan leh sameeyaan.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay wasaarada Haweenka ay sanadkan diyaarisay qorshayaal lagu horumarinayo haweenka.

Sanadkii 1977-dii ayay aheyd markii Qaramada Midoobay u aqoonsatay 8da bisha Maarso in ay tahay maalinta caalamiga ah ee haweenka dunida, waxaana sanad walba laga xusaa guud ahaan dalalka caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM