​Madaxweynayaasha Galmudug iyo DDSI oo Jigjiga kuwada hadlaya

Image

JIG-JIGA- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guleed ayaa shalay gaaray xarunta dowlad deegaanka Somalida Ethiopia, waxaana halkaasi ku soo dhaweyay madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Ujeedka socdaalka Cabdikariim, ayaa lagu sheegay xal ka gaarista dagaal dhawaan ka dhacay deegaanka Daac-dheer kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux kadib markii ay is fara saareen ciidamada Liyuu Boliis iyo dadka reer guura dhinaca Galmudug kasoo jeeda.

Dagaalkaasi ayaa labada dhinac isku eedeeyeen, waxaana maamulka Jig-jiga uu sheegay in arrintaasi dabada ka wado Galmudug islamarkaana mallayshiyaad hubaysan oo xiriir la leh Al Shabaab u soo direen xuduuda deegaanadooda.

Balse, warkaasi waxaa beeniyay wasiirka Amniga Galmudug Taar-dhuleed oo la hadlay warbaahinta.

Labada hogaamiya ayaa maanta la filayaa in wada hadal uga furmo Jig-jiga islamarkaana xal laga gaaro arrimaha labada dhinac kusoo noq noqday.

Axmed Madoobe, ayaa garwadeen ka noqon doona hishiiska labada maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM