​Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuti oo kulmay

Image

Waxaa maanta magalada Jabuti kulan ku qaatay madaxweynayaasha dalalka Somalia iyo Jabuti, iyagoo kawada hadlay arrimo khuseeya xaaladda Somalia iyo shirka barri ka furmay waddankaas.

Mudane Xasan Sheekh iyo Ismaciil Cumar Gelle, ayaa isla soo hadal qaaday xaaladda Somalia iyo qaabkii loo xoojin lahaa taageerada Milatari iyo mida dhaqaale ee dalka Jabuti siiyo Somalia.

Labada mas'uul ayaa dhinaca kale kawada munaaqishooday shirka isugu imaanayaan madaxweynayaasha ciidamadoodu joogaan Somalia, waxaana Xasan Sheekh soo jeediyay in kor loo qaado taageerada walaaltinimo ee la siiyo waddanka colaadda ku jira mudada dheer.

Dalka Jabuti, ayaa kamid ah waddamada ciidamadoodu joogaan Somalia iyagoo qayb ka ah howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM