Madaxweyne Farmaajo oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee ku taalla magaalada Muqdisho.

Waxa uu khudbad u jeediyay Saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Wasaaradda Gaashaandhigga, oo ku wargeliyay inay uu diyaar-garoobaan duulaanka military ee kooxda Al Shabaab looga saarayo dalka.

Farmaajo ayaa kula kulmay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Kusimaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka, oo kala hadlay arrimaha ciidanka iyo gulufka dagaal ee dalka ka socda.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Ciidanka ku guubaabiyay inay kasoo dhalaalaan mas'uuliyadda ka saaran difaacida dalka iyo soo celinta nabada iyo kala dambeynta, lana ciribtiro Xoogaga Al Shabaab.

Booqashada Madaxweyne ee Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga dowladiisa ugu jirto inay qaado howlgal ballaaran, oo lagu xureynayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa dhawaan booqasho ku tagey Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti, oo soo waydiistay inay usoo diraan ciidamoo dheeraad ah, oo ka qeyb-qaaata duulaanka cusub.

Dhanka kale, AMISOM ayaa shaacisay maanta in Kun [1,000] Askari kala baxayso Soomaaliya 31-ka bisha December ee sanadkan 2017, iyadoo mas'uuliyadda amniga goobaha ay joogaan ku wareejinayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM