Madaxweyne Farmaajo oo gaarey Baydhabo

Image

BAYDHOBAO, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo, ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Xubno katirsan Labada golle ee dowladda, ayaa safarka ku wehelinaya Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo ay kamid yihiin Wasiirada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gargaarka Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed iyo Maryan Qaasim kamid.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed, oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Taliyaasha ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u tagey Baydhabo u guurgalista arrimaha abaarta iy amniga, wuxuuna kulan waxyaabahaasi khuseeya la qaadan doonaa madaxda iyo bulshada maamulkaas.

Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee abaartu sida daran u saamaysay, waxaana jira dad badan oo u geeriyooday Harraad iyo xanuuno.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee uu Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia ku tago magaalo kamid ah dalka tan iyo Doorashadiisa February.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM