Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dalka Eritrea

Image

MUQDISHO- Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa caasumaad rasmiya ka heley dhigiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki sida warsidaha Garowe Online ka soo xigtey barta Twiter Wasiirka Warfaafinta dalkaas.

Wasiirka Yemane G. Meskel ayaa sheegey in Madaxweyne Farmaajo laga sugayo Asmara maalinta berri ah isamrkana dalkaas ku tagi doona booqasho qaadan doonta muddo 3 cisho ah.

Madaxda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo dhowaan soo afjarey colaadii ka dhexeysay ayaa safar wadajir ah dhowaan ku tagey dalka Imaraadka Carabta halkaas oo soo dhowyn sare kala kulmeen madaxda Abu Dhabi.

Ra’isal wasaare Abiy Axmad ayaa 16 June,2018 booqasho ku tagey magalada Muqdisho halkaas oo uu ku soo dhoweeyey Madaxweyne Farmaajo.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa noqoneysa middii ugu horeysay ee Madaxweyne Soomaaliya ku tago dalka Eritrea tan iyo intii dalkaas dagaal la galey wadanka Itoobiya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa go’doon siyaasadeed oo dibada ah la kulantey tan iyo intii talada dalka Itoobiya uu qabtey Ra’isal wasaare Abiy Axmad oo aad ugu dhow dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka.

Villa Soomaaliya ayaa qaadatey mowqif dhexdhexaad ah Khilaafka Khaliijka balse go’aankaas ma aysan aqbalin wadamada xulifida ah ee xiriirka u jirey Doha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM