Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dalka Ethiopia [ SAbab]

Image

MUQDISHO- Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaliya Maxamad Cabdulahi Farmajo ayaa ku wajahan dalka Ethiopia maalmo kadib markii magaalada Muqdisho uu booqasho ku yimid Ra’isal wasaare Abiy Ahmad.

Safarka Madaxweyne Farmaajo oo la filayo inuu kaga ambabaxo Muqdisho maalinta Khamiista ayaa warar hordhac ah waxay sheegayaan inuu halkaas kaga horeeyo Wasiirka arimaha dowlada Soomaaliya.

Magalaada Addis Ababa ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa ka furmi doona kulanka madaxda urur goboleedka IGAD.

Safarka Farmaajo ayaa sidooo kale ku soo beegmaya maalmo kadib markii magalaada Muqdisho ay heshiis ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal wasaare Ebiy Ahmad kasoo dhaliyey in dadka Soomaalida su’aalo badan iska waydiiyaan.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo kulankaas kadib booqasho ku tagi doono dalka Jabuuti halkaasoo loo maleynayo inuu kula kulmi doono Madaxwynaha maamulka Somaliland. 

Somaliland ayaa dagaalka u dhexeeya Puntland waxay ku eedeysaa dowlada Federaalka iney weeraro ku soo qaadan ciidmada ka fadhiya Tukaraq.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM