Madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Sacuudiga

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu casuumay Shirka ka furmaya 21-ka Bishan magaalada Riyaadha, ee caasumadda dalka Sacuudiga.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salman Bin Cabdi Casiis ayaa usoo diray Madaxweyne Farmaajo Warqad Casuumad ah, ee uu uga qeybgalayo Shirkaasi oo ay yeelanayaan Wadamada Muslim-ka ah iyo Mareykanka.

Safiirka Sacuudiga u fadhiga dalka Kenya Dr Maxamed Cabdul Qani Khayaat, ayaa loo soo mariyay  Farmaajo Casuumada Boqor  Salmaan, maadaama aysan Safiir u fadhin magaalada Muqdishu.

Shirka Riyadh waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaana diiradda lagu saari doonaan xiriirka maamulka cusub ee Mareykanka iyo wadamada Muslim-ka ah, oo hadda aan wanaagsanayn.

Arrimaha sida aadka ah looga hadlayo waxaa kamid ah Xayiraadii dhinaca safarka ee uu Donald Trump, sanadkan horaantiisa kusoo rogay 6 dal oo Muslimka ah, oo Somalia ay kamid tahay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kamid ah Madax wadamada Islaamka ee ka qeybgalaya Shirka Riyaadh, kaasi oo noqonaya midkii ugu horeeyay tan iyo markii Trump la doortay.

Waa Safarkii Labaad oo uu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Sacuudiga iyo kiisa 9-aad oo dibadda ugu ambabaxo tan iyo markii la doortey Bishii February, ee sanadka 2017-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM