Madaxweyne Farmaajo oo Shir caalami ah ka furmay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa saaka oo Isniin ah ka daah-furay Muqdisho Shir heer caalami ah, oo looga hadlayo amniga dalka iyo bixitaanka ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Hogaamiyaasha dowlad goboleedyada, Wakiilada beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Africa, Midowga Yurub, QM iyo mas'uuliyiin kale ayaa ka qeybglaya Shirka oo ka furmay Xarunta Xalane.

Kulankan waxa uu daba socdaa Shirkii arrimaha Soomaaliya ee London ka dhacay bishii May ee sanadkan, waxaana dib u eegis lagu sameynayaa waxyaabihii ka hergelay qodobadii shirkaasi iyo caqabadaha taagan.

Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa la shir-gudoominaya Madaxweyne Farmaajo kulankan diirada lagu saarayo hergelinta qorshaha amniga qaran iyo sidii ciidamada dowladda Federaalka ugala wareegi lahaayeen mas'uuliyadda amniga AMISOM, oo billaabanaya sanadka soo socda.

Madeira ayaa sheegay in laga hadlayo arrimaha ku aadan xuquuqda dhaqaale ee ciidamada qaranka Soomaaliya, maadaama ay la wareegayaan mas'uuliyadda amniga guud ahaan dalka.

Amaanka magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadooyinka ku dhaw goobta Shirka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo la hakiyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM