Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Imaaraadka Carabta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu aad u liito xiriirka labada dal.

Mas'uuliyiin katirsan labada golle ee dowladda, oo Xildhibaanno iyo Wasiirro kamid yihiin ayaa Madaxweyne Farmaajo ku wehliya safarkiisa dalka Isu taga Imaaraadka, waxaana la filayaa in magaalada Abu Dhabi kula kulmaan Madaxda dalkaasi.

Booqashada Madaxweynaha oo ah midii labaad oo uu ku tago UAE ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya labada dowladood, kaasi oo ka dhashay go'aankii dhexdhexaadka ee dowladda Soomaaliya ka qaadatay Xiisada u dhaxaysa wadamada Khaliijka.

Qodobada Kulanka Farmaajo uu laqaadan doono madaxda Imaaraadka ayaa la filayaa inuu kamid noqdo khilaafka jira, inkastoo aan la ogeyn in dowladda Federaalka bedeli doonto go'aankeedii hore.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka taageerada siiya dowladda Federaalka oo tababar u siiyeen ciidamo badan, iyadoo shirkado laga leeyahay UAE ay mashaariic horumarineed ka wadaan qeybo kamid ah dalka.

Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xiriirka u jaray June 5 dalka Qadar, oo cilaaqaad soo hagaagaya kala dhaxeeya Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM