Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxey dalka Ethiopia

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyi wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofey magaalada Muqdishu isaga oo ku soo jeeda Addis Ababa, ee xarunta dalka Ethiopia.

Wararka uu Warsidaha GO helayo ayaa sheegay in safarka Farmaajo ee Ethiopia ayaa yimid kadib markii uu Todobaadkii lasoo dhaafay caasumaad rasmi ah  ka helay dhigiisa dalkaasi Mulatu Teshome Wirtu.

Booqashada oo qaadan doonto mudo labo maalmood, ayaa inta uu jooga Addis Ababa waxa uu la kulmi doonaa Madaxweyne Farmaajo Madaxweynaha Ethiopia Mulatu Teshome Wirtu iyo Ra'iisal wasaare Hailemariam Desalegn.

Waxyaabaha ay Kulankankooda uga kawada hadli doonaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka labada dalka, iyo kaashiga dhank amniga iyo Ganacsiga, sida Illo-wareedyo ku sugan Villa Somalia ayu xaqiijiyeen GO.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan waxa uu Baydhobo kula kulmay Diblomaasiyiin ka socotay dalka Ethiopia, kuwaasi oo ka codsaday inuu booqdo Addis Ababa, kahor intasan uusan u ambabixin London.

Waxa uu noqonayaa safarkii lixaad oo Farmaajo dalka uga dhoofo tan iyo markii la doortey Bishii February, ee sanadkan. Madaxweynaha ayaa dhawaan difaacay safaradiisa sii tiro badanaya, oo uu ku sheegay inay yihiin dhamaan kuwa lagu casuumay, oo diyaarado loo soo diray.

Todobaadka soo socda markii uu kasoo laabto Eithiopia waxaa la filaya Madaxweynaha inuu aado London, oo uu ka furmi doono 11-ka May, Shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM